Waa Channel aad si maalinle ah uga helayso wararka iyo Barnaamijyada ku saabsan dhinacyada siyaasadda, Sirdoonka, Dhaqaalaha, Ammaanka, taariikhda iyo Arimaha Bulshada.
follow me
Wacan oo wanaagsan daawadayaal waa mar kale iyo barnaamijkeenii xogta dahsoon oo aynu ku soo bandhigayno weeraradii dhanka electroniada ahaa ee ay is dhaafsadeen maraykanka iyo jamhuuriyada Iran
Ku soo dhowaada barnmaaamijka
Sources
U.S. Navy
IAEAvideo
Shirkadaha qaabilsan dhanka macluumaadka ammaanka ayaa waxa ay daaha ka qaadeen in ay soo kordheen weerarada dhanka electronicada ee ay sirdoonka iran ku qaadayaan hay’adaha dawlada maraykanka iyo kaabayaasha nolosha ee dalkaasi
Waana warbixinaha soo baxay muddo kooban ka bacdi markii ay Warbaahinta maraykanka qaarkeed baahisay in xukuumada Washington ay weeraro electronico ah ku qaaday hay’adaha ciidamada ee jamhuuriyada Iran sida agabka computerada ee loo isticmaalo riditaanka gantaalaha iyo shabakada basaasida ee iiraaniyiinta, waana weerarada electronic ee la sheegay inay maraykanku qaadeen ka dib markii iran dhulka soo dhigtay mid ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan ee ay milateriga mataykanku u adeegsadaan dhinacyda basaasidda iyo ilaalaynta fadhiisimada cadowga
shabakada telefishinka ee ABC ee dalka maraykanka ayaa baahisay in labada shirkadood ee kala ah Firekey and Kraudstraik ooka hawlgala dhanka la socodka ururinta macluumaadka ay fariimo electronico ah u direen bartilmaameedo muhiim ah oo maraykanku leeyahay, mana kala cadda inay kooxahaa weerarada qaaday ay ku guulaysteen ujeedooyinkooda oo ay macluumaad ka heleen meelihii ay weeraradooda la beegsadeen amaba ay kharibeen oo waxyeeleeyeen habsami u socodka shaqadii hay’adaasi maraykanka.
Waxana weerarada dhanka electronicada ee la is dhaafsanayaa ay socdaan iyadoo ay weli jiraan iska hor imaadadii maraykanka iyo Iran ku dhexmarayey gobolka khaliijka kuwaasoo maalmahii ugu dambeeyey cirka isku sii shareeray markii ay iran soo riday diyaarad ay maraykanku lahaayeen oo ah nooca drone-ta, madaxweynaha maraykankuna uu sheegtay in uu joojiyey weerar jawaab celin ah oo milaterigiisu ku qaadi lahaayeen goobo ku yaalla iran
Madaxa kala shaandhaynta macluumaadka sirdoonka ee shirkadda Fire key John holocaust ayaa telefishinka ABC waxa uu u sheegay in labada dhinac ee maraykanka iyo iran uu mid waliba ku mashquulsan yahay inuu sii ogaado waxa dhanka kale ku fekerayo, isla markaana ay isu adeegsanayaan dhamaan waxa ay qalab iyo farsamo ahystaan oo dhan
Dhankeedana wakaalada wararka ee associate press ayaa ka soo xigatay mareegta Kraudstraik ee dhanka weerarada electronicada ka faaloota sawiro muujinaya fariimo emailada lagu diray oo loo haysto inay mid ka mid ahi ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani, amraysana qaaditaanka weeraro electronico ah oo lala eegto bartilmaameedo maraykanka ah
Wakaalada amniga qaranka ee dalka Maeatkanka ayaa hore u sheegtay inay halkaa ahaayeen dhibaatooyin khatar ah oo lagala kulmayey falalka electronicada ah ee waxyeelada leh ee iran soo qaadaysay, xiligan oo iska hor imaadadii iran lagula jiray ay kor u soo kacayaana ay munaasab ku tahay dhamaan in lagu bararugsanaado, duulaadama electronicda ah ee cadownimada leh ee iran wado sida loo dhigay warbixinta golaha amniga qaranka maraykanka oo intaa ku sii daraysa in loo baahan yahay in la hubiyo inay hay’adihii difaaca maraykanka ee munaasabka ahaa ay jiraan oo dhisan yihiin diyaarna yihiin
Weerarada electronicada ah ee iraniyiintu la eegan jireen hay;adaha shidaalka ee dalka maraykanku waxa ay ahaayeen kuwo muddo dheer soo socday laakiin waxa ay yara hakadeen markii labada dhinac qayb ka noqdeen heshiiskii barnaamijka nukliyeerka Iran ee sanadkii 2015, waxase ay dib u soo cusboonaadeen oo xoogooda la dareemay waxii ka dambeeyey markii badhramihii sanadkii hore uu Donald trump dib uga baxay heshiiskaasi sida ay caddaynayaan khubaro dhanka baadhitaanada electronicada ah oo u waramay telefishinkaa ABC ee dalka maraykanku.
Sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay maraykanku virus-ka u direen eek u fadhiisiyeen kumanaan shay oo ka mid ah agabka qaabilsan qulqulka bacriminta macdanta yuraaniyamka ee barnaamijka nukliyeerka Iran, iyadoo Tehran xiligaa ku eedaysay maraykanka iyo israaiil inay curyaaminayaan barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay ku soo qaadayaan hawlgalo qarsoodi ah
Sanadkii 2012 ayay iiraaniyiintuna weeraro electronico ah oo ay ku qaadeen xarumo maraykanku ku leeyahay gobolka khaliijka waxa ay sababtay in kumanaan computer oo xarumahaa yaallay ay lumiyaan datadoodii oo hal mar uun laga waayey xogihii iyo macluumaadkii ku kaydsanaa
0 Comments